Xukuumadda Itoobiya ayaa cambaareysay go’aano uu ururka jaamacadda carabta kasoo saaray biyo xireenka Niil iyo muranka sadax-geesoodka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Masar, Suudaan iyo Xabashida.
Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in sadaxda wadan ay yeeshaan heshiis dhab ah oo ku dhisan cadaalad iyo sharci si xal loogu helo isqabqabsiga iyo sii kala fogaanshaha dowladahan.
Itoobiya oo si gaar ah isku lahaysiineysa wabiga Niil iyo ku takrifalkiisa ayaa ku dooday in go’aanka Jaamacadda Carabta uu ka hor imaanayo taariikhda iyo qiyamka wadamada Afrika iyo Carabta.
Xukuumadda Abiy ayaa sheegtay iney cambaareeneyso isku day ay sheegtay in Masar ay ku dooneyso iney ku cadaadiso Itoobiya iyadoo intaa ku dartay in dalalka jaamacadda carabta ay kasoo horjeedaan arrintaas.
Axmad Abuu Zeyd oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa warka kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaamay mid ay ku dooneyso iney ku kala qeybiso wadamada Jaamacadda Carabta, waxaa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Itoobiya ay isku dayayso iney ku hadasho magaca Jaamacadda Carabta!
Masar iyo Suudaan ayaa horey Itoobiya u hordhigay heshiis ku aadan qeybsiga biyaha Niil, waase ay ka biyo diiday, waxayna u muuqataa gardarro garab og, haddana waxay sii wadaa iney buuxiso biyo xireenka islamarkaana gaarsiiso 74 milyan oo cubic mitir ah xilliyada dhow ee soo socda.