Sheekh Fu’aad Maxamad Khalaf oo kamid ah mas’uuliyiinta XSHM ayaa ka hadlay weerarkii cuslaa ee shalay cagta lagu mariyay ciidanka Atmis qeybtoodii degganayd magaalada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose.
Isagoo meel fagaare ah kula hadlayay boqollaal dadweyne ah ayaa waxa uu sheegay in ciidankoodu uu Allaah ku guuleeyay iney muddo kooban kusoo afjaraan askartii Uganda ee heystay Buulomareer.
Sheekh Fu’aad ayaa Allaah uga mahad celiyay guushii shalay, wuxuuna dadka muslimiinta ah dareensiiyay ujeedada ay ciidamada shisheeye u yimaadeen iney tahay iney ummadda muslimka ah gumeeyaan kana hor istaagaan diintooda, wuxuuna ugu baaqay iney kusoo biiraan halganka jihaadiga ah.