HomeAll newsCiidanka Xasan Sheekh oo Qafaal, Kufsi iyo dhac ku haya Beesha uu...

Ciidanka Xasan Sheekh oo Qafaal, Kufsi iyo dhac ku haya Beesha uu asigu ka dhashay.

Beesha Waceysle ayaa sheegeysa in Dowladda Federaalku kula kaceyso falala fool xun kuwaasoo uu ka Mas’uul yahay Madaxweyne Xasan sheekh ee iyada ka dhashay,

Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qafaal iyo Kufsi ka wada Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud waxayna iska qalanayaan xoolaha iyagoon cidna uga idin qaadan arinkaa oo Bulshada tustay wejiga dhab ah ee ay leedahay Dowladda Federaalka.

Beesha Waceysle ayaa ka qaxday degaanadeeda ay ku soo duuleen Ciidanka Dowladda Federaalka ah laakiin ciidamada oo koox koox u socda ayaa qafaalaya ciddii ay arkaan iyagoo ku xiraya Xabsi ku yaal Magaalada Galcad halka Maxaabiista qaarna ay u gudbiyeen degmada Aadan yabaal ee Shabeela dhexe,

Nabadoon Maxamuud Cali Gacal (Xaaji Roog) oo dhalasho ahaan Xasan Sheekh Maxamuud ay isaga soo dhacaan odayga afaraad ayaa wareysi ay ay la yeelatay Idaacaddaan Alfurqaan waxa uu ku sheegay in Ciidamadu tuulooyinka galcad u dhaw iyo baadiyaha ay dad ka soo wateen Ari badana ay qasheen iyadoon cidina u fasaxin,

wuxuu sheegay in Ciidanka Xasan Sheekh Maxamuud ka amar qaata ay Kufsadeen dumar ay ku jirto haweenay Xaamilo ah arinkaa oo degaanka aad looga hadal hayo,

Halkaan ka dhegeyso Wareysi Xaaji roog 18 05 2023

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular