Sarkaal ka tirsan ciidamada Amaanka Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfur-bari ee dalkaas.
Warbaahinta ku hasha afka dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa tabisay dilka sarkaal sare oo katirsan ciidamada amaanka xukuumadda Tehraan kaas oo lagu dilay iska hor-imaad ka dhacay magaalada Khash ee dhacda koonfur bari dalka IIraan.
Kornayl Xabib Razdaar, oo ah taliyaha ciidamada ammaanka magaalada Khash oo u waramay wakaaladda wararka ee IRNA ayaa xaqiijiyay dhimashada Kabtan Yaasir Cabdulle oo haayay xilka taliye ku xigeenka ciidamada sirdoonka ee magaaladaasi.
Korneyl Xabib ayaa tilmaamay in taliyaha uu ku dhintay iska hor-imaad dhexmaray ciidamada amaanka iyo kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas oo weerar xooggan ku soo qaaday goob ay ciidamadu ku sugan yihiin oo ku taalla gudaha magaalada Khash ee katirsan gobolka Sistan ee dhaca koonfurta bari ee Iiran.
Dilka sarkaalkaan ayaa ku soo aadaysa xili gobolkaasi uu la daalaa dhacayo rabshado waaweyn oo ka dhashay dibadbaxyo looga soo horjeedo xukuumadda shiicada ah ee dalkaasi ka arimisa kuwaas oo guud ahaan muddo sanad ka badan dalkaasi ka socday.
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, weerar kan lamid ah oo ka dhacay gobolkaas ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada amaanka ee dowladda Iiraan, waxayana hoggaanka Ciidamada Ammaanka gudaha ee gobolka Sistan ku ku dhawaaqeen in dilkaasi ay ka dambeeyaan xubno ka tirsan koox ay ugu yeereen ururo argagixiso ah iyagoona intaasi raaciyay in howlgal xilikaasi la fuliyay lagu soo xiray qaar kamid ah ragii geyray falkaas lagu khaarijyay sarkaalkaan iyo weerar hubeysan oo ka dhan ah ciidamada ammaanka ee gobolkaasi.