Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hir Shabeelle Cali Jayte Cismaan ayaa sheegay in ay ku daaleen ayna wedi waayeen Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kaasoo uu ku dhawaad sanad ka hor uu ka bilaabay Bariga Gobalka Hiiraan.
Cali Jeyte oo ka hadlayay Munaasasbad lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Hir Shabeelle Cali Guudlaawe oo Shalay Beledweyne tegay ayaa sheegay in Cali Guudlaawe looga fadhiyo in uu dagaalka arimhiisa wax ka qabto uuna ku wareejiyay.
wuxuu sheegay in ay asiga ay u taallo haduu ciidamo cusub dagaalka u qorayo iyo haduu meel kale Ciidan uga keenayo.