Askerika mid ahaa askar dowladda federaalku tababar ugu qaaday dalka Uganda ayaa Muqdisho lagu soo celiyay asigoo Meydka xubnaha uur ku jirtana lagala baxay arintaasoo abuureysa shaki la xariira sababta ay u dhinteen askar hore oo dalalka shisheeye ee loo qaaday ku naf waayay,
Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay Meydka Maxamed Xasan Maxamed Nuur oo ahaa askeri ka tirsan Dowladda Federaalka ah kaasoo ka mid ahaa askar tababar loogu qaaday Dalka Ugnada,
Dowladda Federaalku faah faahin dheeraad ah kama bixin waxa sababay Geerida askerigaan oo ahaa Nin dhalinyaro ah kana soo jeeda Gobalka Bakool.
Dimukintiyo iyo sawiro iyo Muuqaalo ay heshay Idaacaddaan Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa ka Markhaati kacaya Geeridda askerigaan .
Midka mid ah qoraalada waxaa laga helay safaaradda dowladda federaalka ah ee Dalka Uganda waxaanu qoraalka ku xusan in aanay dood ka qabin in Myedka Maxamed Xasan Maxamed Dalkiisa loo celiyo ama loo soo qaado
Si kale hadii loo dhigo waa warqadaan oo ku taariikheysan 3 bishaan may 2023 waxaa lagu ogolaaday in meydka la soo dhoofiyo oo laga soo qaado Uganha.
Sawirada iyo Muuqaaladu waa kuwo argagax leh waxaana durba aad dareemeysaa in ugu yaraan qofka Meydkiisu kuu muuqda uu u gacan galay qolyo baadi goobaya xubnaha uur ku jirta sida wadnaha beerka iyo kilyaha.
Markii Meydka Muqdisho la keenay laguna wareejiyay ehelkii askeirga ayaa la furay santuugii uu ku jiray durbana waxaa la arkay arin yaableh taasoo ah nin Maxamed xasan Maxamed Nuur uu ka qalanyalay laga bilaabo Dhuunta Bilowgeeda ilaa iyo Gumaarka.
Markaa kadib ayaa meydka isbitaal loo qaaday si loo hubiyo haddii ay jiraan xubno lagala baxay.
Warqad uu qoray isbitaalka soomaali suuneys hosbital oo aan helnay ayaa isbitaalku ku cadeeyya in ninkaan ay ka maqna yihiin wadnaha iyi killida midig.
Warqad kale oo uu aan helnay oo ay qortay waaxda dembi baarista booliiska dowladda federaalka ah ayaa isbitaalka Madiina oo Baliisku leeyhaay looga dalbaday in ay caddeeyaan sababta uu u dhintay Maxamed Xasan Maxamed Nuur laakiin ma helin hadii ay jirto warqad Isbitaalku ku soo jawaabay.
Suldaanka Beesha uu ninkaani ka dhashay ee Muqdisho Suldaan Aadan ayaan ka wareysanay maclumaadka askerigaan la xariira iyo waxa ay ka og yihiin.
Maxamed xasan nuur waa aabaha askeriga uur ku jirta loogala soo baxay isbitaal ku yaal Uganda
Asigoo jooga degmada xudur ee Gobalka Bakool ayaan qadka Taleefoobka kula xariirnay
Waxa uu noo sheegay in wiilkiisu askernimo ka qortay Degmada Xudur Todobo bilooed kadibna Bali doogle laga dhoofiyay oo Tababar loogu diray Dalka Uganda.
Waxa uu xusay in aan wiilkiisa xanuunkiisa loo sheeign balse loo soo sheegya in uu dhintay
Dowladd Federaalka ayaa ASkar fara badan waxay u daad gureysaa Dalalka Itoobiya, Uganda iyo Eritrea halkaasoo tababaro lagu siiyo.
Dhageyso Warbixinta_Cabdullaahi_soomaali_iyo_askari_uur_ku_jirta_lagaka_baxay
telegramkiinu sidee lagu helaa mayeelayee