HomeAll newsTurkiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Jebiyay Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya.

Turkiga oo Lagu Eedeeyay Inuu Jebiyay Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya.

Ururka la baxay Qaramada Midoobay ee ay majaraha u heysto dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Ankara ay ku xadgudubtay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii ay Muqdisho ka dajisay hub iyadoo aanan cidna ku wargelin.

Baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in Turkiga lagu heysto diyaarado Drones ah oo uu geeyay Muqdisho gaar ahaan nooc ay farsameyso shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweyne Rajab Dayib Ordogan.

Warbixintan ayaa u muuqata mid ujeedo gaar ah laga leeyahay, dhanka kalana aaney dhab uga hadleyn cunqabateynta, maxaa yeelay muddo sannad laga joogo ka hor ayaa la ogaa in Turkigu uu hub keeno Soomaaliya, diyaaradihiisuna ka qeyb qaataan leynta shacabka Soomaalieed.

Sida laga soo xigtay warbixinta gudiga Qaramada Midoobay, waxaa 6 Dexember ee sannadkii 2021 magaalada Muqdisho la geeyay diyaarado Drone ah, kuwaasoo lagu soo qaaday 2 diyaaradood oo xamuul ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Turkiga.

Warbixinta ayaa waxaa lagu yiri: “Dowladda Turkiga waxay ku fashilantay iney Qaramada Midoobay weydiisato oggolaanshiyo ka hor inta aysan dirin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.

Turkiga ayaa ku andacooday in ay keeneen 5 diyaaradood ujeedadoodana ahayd iney ka qeyb qaataan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen “argagixisada” (muslimiinta) laakin eedaha loo jeedinayo intan kuma koobna, waxaa kale oo lagu dhaliilay in sannadkii 2021 ay Soomaaliya keeneen gaadiid dagaal iyagoo aan fasax uga qaaday Golaha Ammaanka.

Diyaaradaha Turkiga ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2022 duqeymo bahalnimo ah ka geystay Soomaaliya iyagoo beegsaday dad rayid ah iyo xarumo dan guud ah oo ay bulshadu leedahay, meelaha ay duqeeyeen waxaa kamid ah Iskuulkii weynaa ee degmada Towfiiq ama Masaajid Cali Gaduud, kaasoo uu illaa iyo hadda burburkii ka muuqanayo.

Diyaaradaha Drones-ka ee Turkiga ee duqeymaha ka geystay Soomaaliya ayaa ah nooc cusub oo ay farsameysay shirkad uu maamule ka yahay wiil uu sodog u yahay Odrogan oo ah madaxweynaha dalkaas, waxaana halkan loo keenay tijaabo iyo in la ogaado tayadeeda dhanka duqeymaha.

Inkastoo shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ay ka wada siman yihiin duullaanka iyo boobka kheyraadka wadanka, haddana waxaa jira masaalix kala duwan oo ay marar badan isku qabtaan, sida cidda gacanta sare ku lahaaneysa maamulka iyo hagidda DF, ka ganacsiga hubka iyo jaangoynta siyaasadda Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular