Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha ugu muuqda ee ku kacsan Nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa hadana waxay bah wadaag iyo xiriir siyaasadeed oo wanaagsan la leedahay dowladda Iiraan oo dhankeeda ah dowlada ugu muuqata ee garab taagan Bashaar Al-Asad marka laga soo tago dowladda Ruushka.
Dhawaan, waxaa dalka Iiraan booqasho ku tagay Ra’iisul wasaaraha Turkiga Daa’uud Oglo, kaas oo kulan la yeeshey madax kala duwan oo uu kugu jiro madaxweyanah Shiiciga ah Xasan Ruuxaani.
Kulanka labadan mas’uul ayaa waxay kaga hadleen arimo kala duwan oo la xiriira danaha ka dhexeeya labada dowladood, oo ay ugu weyntahay la dagaalanka Muslimiiinta iyo Gacnacsiga labada dal.
Ruuxaani waxa uu sheegay dhankiisa iney jiraano dano wadajir ah oo ka dhexeeya labada dowladood oo ay ugu weyntahay buu yiri la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay Argagaxisada oo uula jeedo Mujaahidiinta.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga waxaa uu dhiniciisa sheegay in xilli cusub uu galayo xiriirka ka dhexeeya dalkiisa iyo Iiraan, isagoona muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay imaanshihiisa Iiraan, waxaana uu la kulmay inkabadan 100 Ganacstada dalkaas kuwaas oo Mashaariic iyo dhaqaale soo gelinaya dalka Turkiga.
Dowladda Caalamka ayaa ku dhaqma qaacida ah “ Siyaasaddu malahan Saaxiib joogta ah”, waxadna marka aad u kuur gasho habdhaqanka dowladaha aad arkeysa waxyaaba ku yaab geliya.
Tusaale Iiraan iyo Ruushku waa dowlado saaxiibo ah, halka Turkigu ay aad isugu dhacsan yihiin Ruushka, iyadoo ay sidaas tahayna Iiraan waxay la tacaamuleysaa labada dowladood, mid kastana kama caroonayo xiriirka kan kale dhexeeya Saaxiibkiisa.