Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ee Shabeellaha dhexe ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan kaga warbixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka lagu laayay maleeshiyaadka Macawisleyda ee fariisinka ku lahaa degaanka Daaru-Nicma oo qiyaastii 30Km ujira degmada Ruun Nirgood ee gobolka Sh/dhexe.
Sheekh Kabakutukade ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay dagaalka lagu xasmiyay maleeshiaadkaas isagoona xusay magacyada qaar kamid ah horjoogasha lagu dilay weerarka.
Waaliga ayaa sheegay in 6 kamid ah horjoogayaasha maanta lagu dilay dagaalka ay dhawaan ishortaag ku sameeyeen askar katirsan ciidankii laga keenay Eritrea oo diyaar u ahaa inay ka soo baxaan safka DF islamarkaana isku soo dhiibaan maamulka Islamaaiga ah ee Sh/Dhexe.
Sheekh Yuusuf Kabakutukade ayaa ugu dambeyn baaq u diray wargaradka degaanka Daaru-Nicma isagoona kula taliyay in ilmahooda aan laga dhigin xaabo dabka lagu shido.
Halkaan ka dhageyso wareysiga Sheekh Yusuf Ciise uu siiyay Idaacadda Al-furqaan