HomeAll newsFaahfaahin: Khasaarihii Ka Dhashay Weerarkii Saaka Ee Daaru-Nicma Oo Sii Kordhay.

Faahfaahin: Khasaarihii Ka Dhashay Weerarkii Saaka Ee Daaru-Nicma Oo Sii Kordhay.

Waxaa sii kordhay khasaaraha uu sababay weerarkii cag marinta ahaa ee ciidamada Al-Shabaab ay saaka kula jarmaadeen fariisinka maleeshiyaadka Macawisleyda ay ku lahaayeen degaanka Daaru-Nicma ee wilaayada Sh/Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana uu ku saxiixnaa Afhayeenka ciidamada Mujaahidiinta, Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay 28 isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad sidoo kale lagu dhaawacay ilaa 17 kale.

“Khasaaraha dhimashada ee cadawga soo gaaray inta ilaa hada aan xaqiijinay waa 28 dhimasho ah oo iskugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ridda ah, dhaawucuna wuxuu gaarayaa ilaa 17. Sidoo kale waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal, hub iyo rasaas intaba” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska ciidanka Mujaahidiinta.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa gudaha xerada ku gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, sidoo kale waxay ku soo furteen qoryo gaaraya 15 qoro oo AK47 ah.

Saldhigga la weeraray ayaa fariisin u ahaa maleeshiyaadka Macawisleyda ee laga abaabulay gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana xusid mudan in deegaankaan ay dhawaan iska carareen ciidamada DF ee waayihii dambe halkaasi ku sugnaa.

Waxaa inoo suura gashay in aan helay magacyada iyo sawirada qaar kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka dagaalka lagu dilay waxaana sidaan:-

1 Jacfar Rooble horjooge Macawiisley

2 Ibraahim Maxaad Dhible horjooge Macawiisley

3 Cali Karas Sarkaal katirsan ciidanka DF

4 Xuseen Afeey, Askari DF ah

5 Xuseen Garas, askari DF ah

6 Cali Howlaawe, horjooge Macawiisley

7 Cali Ganay, horjooge Macawiisley

8 Cali Duud-qaanso, horjooge Macawiisley

9 Cabdi Shabak, horjooge Macawiisley

10 Maxamed Malak, horjooge Macawiisley

11 Yaasiin Macalin Cabdi, horjooge macawiisley

12 Muuse Cagaweyne, horjooge macawiisley

Hoos Ka Daawo Sawirada

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Macawislay iyo ciyaal weero iyo waxa ciidanka federal ka labaxay iyo ragga hogaamiya iyo hoorgooge xasan sheek iyo ninka dheer ee raysul wasaaraha isku magaabay intuba waa dad loo adeegsado somalia inay mashquuliyaan inta khayraadkeeda laguranayo.
    Kuwa qabyaalada iyo caydiid iyo cali Mahdi ama daarood iyo ama dir iyo daarood ama dhulbahante iyo Isaaq. Waa Lacag Doon. Gaaladaa lacag kubixisa.si ay usii joogaan. Waa baxaynaa waa beentii 3aad. Bixi mayaan. Bixi mayaan. Nina dollar katagi mayo
    Somalia waa dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular