HomeAll newsSheekh Muuse"Waxaan Rajeynayaa in si nabad galyo ah ay Reer Muqdisho ugu...

Sheekh Muuse”Waxaan Rajeynayaa in si nabad galyo ah ay Reer Muqdisho ugu Bilato bisha Ramadaan.

Sheekh Muuse Cabdi Caraalle- waaliga Banaadir

Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee gobalka Banaadir oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Alfurqaan ayaa ka hadlay howlgallada Muqdisho ka socda ee lagu beegsanayo daroogada.Zinada,Tuugada iyo Ciyaal weero kuwaasi oo dhibaatooyin muuqda ku hayay bulshada ku dhaqan Muqdisho.

Waxaynnu Howlgalka xiligaan ugu soo beegnay in bisha ramadaan ee nagu soo wajahan  ay Reer Muqdisho  si nabad galyo ah oo caafimaad qab ah ugutaan cibaadadooda”ayuu yiri sheikh Muuse Mar uu ka hadlayay sababta xiligaan ay howlgalada ugu soo beegeen.

Xaalada Muqdisho ayuu ku sifeeyay mid dagan tan iyo markii mujaahidiintu ay bilaabeen inay beegsadaan qolada fasahaadka iyo fawaaxishta ka wada magaalada.

Daroogada oo ah hooyada waxyaabaha xun ayaa ku faaftay Muqdisho, waxaana si muuqata oo cabsi la’aan ah looga ganacsanayay Muqdisho.

Sheikh Muuse cabdi Caraale ayaa sidoo kale faafaahiyay  tirada dadka ay dileen tan iyo markii ay bilowdeen howlgalada.

Halkan ka dhagayso Waraysiga Waaliga Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular