HomeAll newsQarax Lagu Weeraray Xildhibaan Oo Ka Dhacay Beledweyne & Silsilado Qaraxyo Ah...

Qarax Lagu Weeraray Xildhibaan Oo Ka Dhacay Beledweyne & Silsilado Qaraxyo Ah Oo Muqdisho Ruxay.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay caawa weerar qarax ah ka fuliyeen xaafad katirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Sida ay wararku tilmaamayaan qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagu beegsaday guri uu bariga magaalada Beledweyne ka degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Buraale, waxaana jira khasaare soo gaaray askar ku sugnaa halkaasi.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanku uu ka badbaaday qaraxaan lagu bartilmaameedsaday gurigiisa balse waxaa khasaare uu ka soo gaaray ilaaladiisa.

Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa silsilado qaraxyo ah waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar katirsan ciidanka DF Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay caawa qaraxyo culus ku weerareen xerada General Golden ee magaalada Muqdisho halkaas oo  fariisin u ah ciidankii ka dhawaan laga keenay dalka Eritrea, waxaana jira khasaare soo gaaray askartii ku sugneyd xerada la weeraray walow aanan faahfaahin ka helin.

Sidoo kale Mujaahidiintu waxay caawa qarax ku beegsadeen firiisin ay askarta dowladda ku leeyihiin Ex-Control Afgooye, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay inta la hubo ugu yaraan laba askari oo kamid ah ciidankii joogay barta qaraxa lala eegtay.

Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Tabeelaha Sh Ibraahim waxaa ku dhaawacmay 1 askari oo DF ah kadib markii ay Mujaahidiintu qarax ku weerareen ciidamo halkaai ku lugeynayay.

Howlgaladan ayaa qeyb ka ah halganka Jihaadiga ah ay Xarakada Al-Shabaab ka wado gayigaan Soomaaliyeed oo liddiga ku ah damacyada guracan ee shisheeyahu uu la doonayo Umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular