HomeAll newsQarax Lagu Burburiyay Goob Daroogada Lagu Iibin Jiray Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Qarax Lagu Burburiyay Goob Daroogada Lagu Iibin Jiray Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Jugta qarax culus oo laga maqlay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday goob lagu iibin jiray daroogada oo ku taallay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa burburiyay goobtaan oo lagu iibin jiray daroogada nuucyadeeda kala duwan, waxaana jira khasaare ka dhashay qaraxaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiligii qaraxa lagu beegsanayay goobta ay ku qayilayeen ciidamo katirsan kuwa DF oo halkaas fariisin ku leh.

Magaalada Muqdisho waxaa si dardar leh kaga socda howlgalada ay dhawaan ku dhawaaqay Xarakada Al-Shabaab ee ka dhanka ah xarumaha lagu iibiyo daroogada iyo dadka ka ganacsada. Tan iyo markii ay bilaawdeen howlgalladan waxaa irdaha la iskugu dhuftay tobanaan goobood oo kuwa daroogada ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular