HomeAll newsQaraxyo Lagu Dilay Askar ka Tirsanaa DF Oo Ka Dhacay Goballada Shabeelooyinka.

Qaraxyo Lagu Dilay Askar ka Tirsanaa DF Oo Ka Dhacay Goballada Shabeelooyinka.

Guutada Qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta 2 qarax oo khasaare geystay ka fuliysay qeybo kamid ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka naga soo gaara magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa ku waramaya in qarax culus lala eegtay mooto ay wateen ciidamada DF gaar ahaan kuwa Baangaraafta ee Maraykanku uu soo tababaray.

Qaraxa oo ka dhacay gudaha Jowhar ayaa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo mas’uul ah waxaa ku naf waayay ugu yaraan 3 askari oo Baangaraaf ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Dhanka Shabeellada Hoose gaar ahaan degaanka Shalanbood waxaa qarax lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka waxaana lagu dilay laba askari.

Mas’uuliyada weeraradan waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo waayahan sare u qaaday howlgaladeeda ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka iyo la jirayaashooda Soomaalida ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular