HomeAll newsDhageyso: Wargeys Kasoo Baxa Mareykanka Oo Sheegay In Weerarkii Galcad Lagu Dilay...

Dhageyso: Wargeys Kasoo Baxa Mareykanka Oo Sheegay In Weerarkii Galcad Lagu Dilay 100 Askari Oo Katirsan Maleeshiyaadka Danab.(Warbixin)

Markii ugu horreysay warbaahinta gudaha ee Mareykanka ayaa ka hadashay, weerarkii cuslaa ee lagu soo afjaray Maleeshiyaadka Danad ee uu Mareykanku taba bartay, kuwaas oo u kusgnaa degmada Galcad ee Wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud.

Waragyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray weerarkii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo lagu xasuuqay murtazaqada Mareykanku leeyahay ee loo yaqaano “Maleeshiyada Danab” iyo dadaalka mudada dheer uu Mareykanku ku bixinayey maleeshiyada lagu xasuuqay degmadaas kadib weerarkii cagmarinta ahaa ee ay Mujaahidiintu ku qaadeen xeryahoodii degmada Galcad.

Warbixintan oo uu qoray Erik Smiit oo ah wariye ka howlgala bariga Africa ayaa sheegay inuu dhawaan safar ku tagay xerada ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin Bali-Doogle ee lagu tababaro calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida ah ee Mareykanku u adeegsado dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee loo yaqaano Danab, isagoo sheegay inuu halkaas kusoo arkay dhinac ka mid ah harjadka Mareykanku ugu jiro inuu ka takhaluso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo rajo beelka ka mid ah saraakiisha Americanka ee degan xeradaasi.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta Waragyska New York Times.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular