HomeAll newsAl-Shabaab Oo Howlgallo Khasaare Geystay Ka Fuliyay Koonfurta Dalka Iyo NFD (Dhageyso).

Al-Shabaab Oo Howlgallo Khasaare Geystay Ka Fuliyay Koonfurta Dalka Iyo NFD (Dhageyso).

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay howlgallo qaraxyo iyo waararo taas ah ka fuliyeen degaanno katirsan koonfurta Soomaaliya iyo dhulka Soomaaliyeed ee NFD ay Kenya xoogga ku heysato.

Howgaladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellada Hoose, Baay, J/Hoose iyo Gaarisa ayaa waxaa ugu khasaare badanaa weerar kamiin ah oo ka dhacay degaanka Malable ee hoostaga degmada Jannaale waxaana weerarkaasi lagu dilay 4 askari oo DF ah oo uu ku jiray sarkaal taliye koox ahaa halka lagu dhaawacay 7 kale.

Sidoo kale weerar qarax ah oo ka dhacay gudaha degmada Diinsoor ayaa waxaa lagu dhaawacay sarkaal si aad ah u dhibay dadka shacabka ah kaasi oo lagu magacaabo Cabdi raxiim Cismaan Cali Nuur, waxaana sarkaalkaan oo horay u dilay 3 ruux oo rayid ahaa soo gaaray dhaawac garaab ah.

Halkaan ka Dhageyso Faahfaahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Howlgaladaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular