HomeAll newsDagaallo Lagu Jebiyay DF Askarna Looga Dilay Oo Ka Dhacay Gobollada Mudug...

Dagaallo Lagu Jebiyay DF Askarna Looga Dilay Oo Ka Dhacay Gobollada Mudug Iyo Hiiraan.

Gobollada Mudug iyo Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dagaallo culus oo lagu jebiyay ciidamada DF iyo maleeshiyaat ay is garab sameen kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaarooyin  kala duwan.

Degaanka Bacaadka Faarax Aadan ee duleedka degmada Xarardheere waxaa maanta ka dhacay dagaal qarar oo u dhaxeeyay ciidamada Al-Shabaab  iyo maleeshiyaatka Bangaraaf ee Mareykanku uu soo tababaray.

Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in dagaalka oo dhowr mar lagu jebiyay ciidamada DF lagu dilay 3 askari oo Baangaraaf ah sido kalena lagu dhaawacay 8 kale.

Dhanka Hiiraan dagaallo lagu jebiyay askarta DF iyo maleeshiyaat Macawisley ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Dagaalladaan ka dhacay duleedka degmada Jalalqsi ee gobalka Hiiraan waxay Mujaahidiintu xaqiijiyeen iney ku dileen ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidanka DF, ayna ku dhaawaceen 3 kale, iyadoo ay suuragal tahay in khasaaruhu uu intaa ka bato, maadaama  taradaan ay tahay mid horudhac ah.

Goobtii lagu dagaalamay waxaa iminka ku sugan dagaalyahana AlShabaab oo dagaalka kaga itaal roonaaday askarta DF iyo maleeshiyaatka ka barbar dagaalamayay.

Muddooyinkii u dambeeyay deegaannada gobollada dhexe waxay marti geliyeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay militariga Al-Shabaab iyo ciidamo huwan oo katirsan DF oo ay diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Turkida hawada ka taageeyaan,  balse sidaas oo ay tahana ciidanka dowladda iyo maleeshiyaat la socda waaxaa lagu jebiyaa dagaal waliba oo ay la galaan Mujaahidiinta sidoo kalena waxaa dhabarka loo saraa khasaa’ir culus oo naf iyo maalba leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular