Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa tilmaamaya in tiro dad ah ay ku dhinteen toogasho cusub oo ka dhacday koonfur bari ee dalkaasi.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ku warantay in ugu yaraan 3 ruux lagu dilay toogasho uu ruux hubeysani ka geystay bartamaha magaalada Orlando ee gobolka Florida ee cariga Mareykanka.
Shabakada NBC News ayaa tabisay in mid kamid ah dadka dhintay uu ahaa sawir qaade u shaqeynayay warbaahin maxalli ah oo ka howlgasha gudaha Mareykanka.
Booliska magaalada Orlando waxay sheegeen in la xiray ruuxii weerarkaasi ka dambeeyay laakiin wax tafaasiil dheeraad ah kama aysan bixin macluumaad shaqsiyadeed ee tuhmanaha la xiray.