HomeAll newsSheekh Abuu Muscab: "36 Murtad Ayaan Ku Dilay Weerarka Baarsanguuni"

Sheekh Abuu Muscab: “36 Murtad Ayaan Ku Dilay Weerarka Baarsanguuni”

Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay faahfaahin ka bixiyeen weeraradii cuslaa ee ay saaka cagta ku mariyeen labo xero oo ay askarta DF iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen degaanka Baarsanguuni oo hoos taga magaalada Kismaayo.

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa soo saaray war rasmi ah oo ku aadan khasaaraha waxaana uu sheegay in kudhawaad 40 ay ku dileen labada xero wuxuuna yiri: “36 askari ayaa lagu dilay weerarkii saakay ka dhacay shaldhigyada ridada ee Baar Sanguuni, 15 kalena waa lagu dhaawacay”

Warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa heleysa magacyada qaar kamid ah sarakaiisha iyo ciidamada dagaalka lagu dilay waxaana kamid ah:

1- Taliye Horin oo lagu magacaabi jiray Fu’aad

2- Taliye Unug oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali

3-Taliye Unug Boolis ah oo lagu magacaabi jiray Sadiiq

4- Sarkaal lagu magacaabi jiray isoo-mareey

5-Maxamed Xaathi Fareey askari

6-Maxamed Yare askari

7-Pu’aale askari

Magacyada saraakiisha iyo askarta kale dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha’allah.

Dhanka kale gaari Cabdibile ah oo ay ka buuxeeen askarta Jubbaland oo ka baxay deegaanka Birtadheer kuna sii jeeday deegaanka Baarsanguuni ayey Mujaahiidintu maanta qarax la beegsadeen. Gaariga iyo waxii saarnaa waa isla burbureen sida aan xogta ku helnay.

Dhanka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa laga fuliyay hawlgal kaasoo lagu gubay gaari Cagaf ah oo ay ciidanka Jubbaland difaacyo ku qodan jireen, waxaana hawlgalkan lagu dilay 1 askari halka mid kale nolosha lagu soo kaxeeyay.

Weeraradan ayaa ka dhigan dhiigbax joogto ah oo ku socda DF waxaana waayihii dambe ay hadalada madaxda dowladdu isku badaleen kuwa calaacal ah halka markii hore ay saaxada kusoo galeen hanjabaad iyo is muujin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular