HomeAll newsDhimashada Turkiga Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 41,000 Oo Ruux.

Dhimashada Turkiga Iyo Suuriya Oo Kor U Dhaaftay 41,000 Oo Ruux.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000 oo qof, iyadoo maalintii tobnaad oo xiriir ah ay socdaan dadaallada lagu samata bixinayo dadka ku jira burburka hoostiisa.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee dhanka Turkiga ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu ay gaartay 35,418, halka dhaawucuna uu kor u dhaafay 80 kun oo ruux oo in kabadan 13 kun ay wali ku jiraan goobha caafimaadka.

Sidoo kale wararkii u dambeeyay ee khasaaraha Suuriya ayaa sheegaya in tirada dhamashadu ay mareyso 5,814  halka kuwa dhaawacmayna ay gaareen 7,396  oo intooda badan ka soo jeeda dhanka waqooyiga dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular