Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar isugu Kamiin iyo qarax waxay la beegsadeen askar Kenyaan ah oo ku socdaalaysay wadada isku xiray degaanka Dhadhaab iyo magaalada Gaarina ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD.
Intii uu socday weerarka Jid-gal ah waxay Mujaahidiintu qarax culus la eegteen gaari Kooyal ah. kaas oo halkaasi ku burburiyay.
Sida ay ku xaqiijiyeen mas’uul ah ugu yaraan 3 askari oo Kenyaaati ah ayaa lagu dilay weerarka halka mid kalena lagu dhaawacay sidoo kale waxaa lagu soo furtay 2 qori.
Dhanka kale faahfaahin dheeraad ah ayaa ka helayaa khasaare ka dhashay dagaallo culus oo maanta ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF ku dhexmaray degaanka Qaycad ee wilaayada Mudug.
Dagaaladaan oo dhowr jeer lagu jebiyay ciidamada DF ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay 3 askari iyadoo lagu dhaawacay 3 kale.