Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay degaanka Ceelbacad ee wilaayada Sh/dhexe kadib markii ay weerar ku qaadeey fariisimayaashii ciidanka DF.
Degaankan oo dhaca duleedka Ruunirgood islamarkaana ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada DF ayaa lagu dhugtamay duhurnimadii maanta, waxaana ay natiijadu noqotay in ay la wareegaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Ciidamada DF ayaa ka cararay meydadka labaatameeyo oo uu ku jiro taliyihii hogaaminayay, ciidamadan ayaa u badan kuwa madaxtooyada ilaalin jiray ee koofiyo gaduuda loo yaqaano.
Waa weerarkii sadaxaad ee noociisa ah oo ay maanta oo kaliya fuliyeen dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay weerareen lana wareegeen saldhigyadii ciidanka DF ee Salbiid, Afgooye iyagoo laba weerar oo nafhurnimo ah ku burburiyay xeradii ugu weeneyd ciidanka Jubbalaand ee Afmadow.