HomeAll newsDhageyso Sheekh Yuusuf Kabo-Kudukade oo Magacaabistiisa Kadib Wareysi Bixiyay.

Dhageyso Sheekh Yuusuf Kabo-Kudukade oo Magacaabistiisa Kadib Wareysi Bixiyay.

Munaasabad aad u ballaaran oo shalay galinkii dambe ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Sh/dhexe ayaa waaliga gobolka loogu magacaabay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo ku dukade.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen culimo, salaadiin, aqoonyahan iyo qeybaha bulshada ayaa u dhacday si qurux badan waxaana Sheekh Yuusuf xilka ku wareejiyay Sh/Cabbaas oo ah waaligii ka horreeyay.

Sh/Kabo ku dukade qudhiisa oo muddo dhowr sano waaliga uga soo noqday gobolka ayaa munaasabadda ka sheegay inuu mas’uuliyaddan u gudan doono sidii loogu tala galay, waxaana hadallo bogaadin iyo duco isugu jira kusoo dhaweeyay mas’uuliyiintii maktabka siyaasadda ee goob joogga ahaa.

Sheekh Kabo ku dukade ayaa maanta hogaamiyay dagaal ka dhacay aagga Nuur-dugle oo khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidanka DF iyo kuwa macawiista qaata, kadib dhacdada ayaa waxaa waaliga wareystay idaacadda Al-andalus oo ku hadasha Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Sheekh Yuusuf Kabakutukade MP3

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular