Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka weerar kula jarmaaday laba xero oo ay ciidamada DF iyo malleyshiyada la socota ay ku lahaayeen degaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Sida aan xogta ku heleyno weerarka ayaa ku billowday qarax aad u weyn kadibna waxaa xeryaha jiiray ciidamo hubeysan waxaana dagaal muddo socday kadib halkaasi looga itaal roonaaday askartii weerarka lagu qaaday ee DF.
Waxay noqdeen wax dhintay iyo qaar cararay, Al-Shabaab ayaa rartay saanaddii meesha tiilay iyagoo sidoo kale la wareegay gaadiid kala duwan. Ilo degaanka ah oo magacooda u qariayay sababo ammaan waxay inoo sheegeen in xerada ay daadsan yihiin meydadka ciidamadii DF.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha DF uu booqday qaar kamid ah furimaha dagaalka ee Galgaduud halkaasoo uu kusoo arkay duruuf adag oo ay ku nool yihiin ciidamada loogana warbixiyay khasaaraha iyo dhiig baxa ay la kulmayaan.
HOOS KA DHAGEYSO WARKA WEERARKA QAAYIB