Alle ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay geeriyooday Sheekh Maxamad Xassan Cumar (Abuu Cabdiraxmaan) waaligii hore ee wilaayada Banaadir kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.
Maktabka warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan uu ku faahfaahinayo geerida Sheekha kuna soo bandhigayo kaalintiisii halgan tan iyo markii uu kusoo biiray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ugu horreyn waxaa bayaanka tacsi loogu diray eheladii iyo asxaabtii Sheekha: “Waxaan ummada Muslimka ah guud ahaan, gaar ahaan eheladiisa, asxaabtiisa, ardaydiisa, Mujaahidiinta iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah uga tacsiyeynaynaa geerida ku timid Sheekh Maxamad Xassan Cumar “Abu Cabdiraxman, kaas oo xalay ku geeriyooday wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka” ayaa lagu yiri Bayaaanka.
Alle ha u naxariistee Sheekha ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa shakhsi uu Allaah ugu deeqay cilmi iyo Alla ka cabsi, akhlaaq wanaagsan, geesinimo, deeqsimo iyo jacaylka u gargaarida Diinta Islaamka. Sheekha ayaa soo noqday waaligii wilaayada islaamiga ah ee Banaadir, xilligaas oo sida lagu xusay bayaanka lagu xusuusto sidii wanaagsanayd ee uu ugu khidmeeyey bulshada caasimada iyo Jihaadkii adkaa ee uu la galay “Saliibiyiinta iyo Murtadiinta”. Waxaa la wada xusuustaa wacdarihii isaga iyo ciidamada Wilaayadiisu ka dhigeen dagaalkii Dayniile ee lagu dilay in ka badan 100 askari oo Burundi ah”.
Intaasi kadib waxaa warka kasoo baxay Maktabka Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab lagu soo bandhigay hawlihii iyo mas’uuliyaatkii uu sheekhu kasoo dhex qabtay jihaadka: “Sheekh Maxamad Xassan Cumar “ Abu Cabdiraxman” – Allaha u naxariistee, wuxuu si karti leh uga soo shaqeeyey makaatibta kala ah: Amniga, Tarbiyada iyo Tacliimta iyo maktabka Ta’hiilka ee Mujaahidiinta. Waxaa uu soo saaray boqolaal Mujaahidiin ah oo saraakiil iyo mas’uuliyiinba leh kuwaas oo maanta kaalimo muhiim ah ugu jira ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sheekha ayaa maalmihii dambe waxaa lasoo gudboonaaday xanuuno, waxaana xalay oo Khamiis ahayd uu ku geeriyooday degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka. Waxaan Allah Subxaanahu Watacaalaa looga barayay inuu ajarkiisa weyneeyo, camalkiisii wanaagsanaa iyo Jihaadkiisii ka aqbalo, uuna geeyo darajaatka sare ee Janatul-Firdows Al-Aclaa.
Sh/Abuu C/raxmaan ayaa ahaa xidig ka dhex muuqda bahda waxbarashada waxaana baaq loo diray ardaydiisii iyo dadka sidiisa oo kale aqoonyahanada ah: “Waxaan kula dardaarmaynaa bahda waxbarashada Soomaaliyeed inay ku deydaan Sheekh Abu Cabdiraxman, aqoontoodana uga faa’iideeyaan ummadooda Muslimiinta ah. Waxaan sidoo kale kula dardaarmaynaa ardaydii Sheekha inay sii ambaqaadaan Jihaadkii Sheekh Abu Cabdiraxman, ayna fuliyaan dardaarankiisii ahaa inaan marna laga tanaasulin u gargaaridda diinta islaamka iyo la dagaalanka cadawga kusoo duulay diinta, dalka iyo dadka muslimiinta ah” ayaa lagu soo gunaanaday bayaanka
Halkan ka dhageyso Bayaanka Taczida ee kasoo baxay Al Shabaab PDF.