Muuqaalkan oo la daawan karo qadar hal saac ah wuxuu qeyb ka yahay silsiladda “quduufu-shariicah” ee lagu soo bandhigo horumarka lagu gaaray harka shareecada islaamka ee ay hoos joogaan bulsho weynta ku dhaqan wilaayaatka islaamiga ah ee dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si uu qofka daawadaha ahi u fahm ujeedada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u sameysay manaahij waxbarasho, waxaa qeybaha hore ee filimka lagu soo bandhigay taariikh iyo qisooyin dibadda soo dhigaya duullaanka fikriga ah ee lagu soo qaaday dalka.
Aqoonyahanada iyo culimada sheegaya in Soomaaliya aaney waligeed sameysan manhaj waxbarasho oo ay xor u tahay kuna saleysan islaamka: “Maxaa lagu dhisyaa manhajka? Manhajka waxaa la rabaa inuu ku dhisan yahay dadkani waxay rumeysan yihiin number one waaye, dalkeena oo kale Islaam, dalkeena marka waxyaabaha burburka weyn u keenaaya maxaa kamid ah istaraatiijiyad guud ma aanaan dhisin waligeen, manhaj guud oo aan dhisnay oo aan ku dhisnay Islaam-kana ma jiri” sidaasi waxaa yiri Dr. Cali Sheekh Axmad Abuukar, gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho.
Dadka ay soo barbaariyeen manaahijta shisheeye ee filimka ku jira waxaa kamid ah Mustafe Martin oo isku soo sharaxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya, wuxuu sheegayaa inuusan waligii soomin, salaadna uusan tukan muddo 20 sano laga joogo, khamriga iyo zinaduna uuba quuto. Tan iyo burburkii Soomaaliya waxaa sii batay manaahijta dowladaha shisheeye ay keensanayaan Soomaaliya si dal walba uu halkan uga helo dad caqiidadiisa iyo mabaadi’diisa xambaarsan.
Marqaatiyada muuqda ee arrintaasi loo soo qaatay waxaa kamid ah agaasimihii wasaaradda waxbarasahda ee DF Xassan Maxamad Cali, wuxuu ka waramayaa hal tusaale oo kaliya oo ku jira maadada juqraafiga ee maanta iskuulada lagu siiyo caruurta Soomaaliyeed, wuxuu sheegayaa in la baro in magaalada Kismaayo ay kamid tahay dalka Kenya. Waxaa filimka lagu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay xil gaar ah iska saartay sidii dalka gaar ahaan wilaayaatka islaamiga looga nadiifin lahaa manaahijta shisheeyaha:
“12kii Ramadaan 1436 Hijriga, guddi ka tirsan Maktabka Tarbiyada iyo Tacliinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu hogaaminayay Sheekh Muxamad Dulyadeyn ayaa loo xil saaray dabagalka iyo muraajaceynta manhajka waxbarasho ee xukuumadda ridada Soomaaliya. Guddigu wuxuu kormeer ku maray iskuullada iyo goobaha waxbarashada dalka, dabagal dheer kadibna wuxuu iftiimiyay qodobo dhowr ah oo diinta hareer marsan, taas oo uu ka qabtay muxaadarooyin ummadda muslimka ah ee Soomaaliyeed looga digayo halista manhajkaas gurracan.” ayaa lagu yiri isdaarka.
Sheekh Cali Dheere ayaa wax ka tilmaamay waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmeen intii ay hawlgalka iyo diraasaadka wadeen wuxuuna yiri: “waxyaabihii ay soo arkeen walaalihii hawsha ku jiray waxaa kamid ah in ay soo arkeen bal ay keeneen manaahij kala duwan sida hunduus, shiico, kiristan iyo nooc kasta oo adyaanta caalamka ka jirta ee baadilka ah iskoollaa uga furnaa wilaayaatka islaamiga ah iyagoo hey’adahaas ku hoos dhuumanaaya” sidaasi waxaa sheegaya Sh/Cali Dheere.
Filimka qeybihiisa kale waxaa lagu soo bandhigay manhaj waxbarasho oo ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab oo dugsi dhexe ah kadib markii ay horey usoo saartay kan dugsiga hoose. Sheekh C/raxiin Muudey oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada ayaa sheegay in manhajkan uu yahay mid islaami ah oo diini iyo maadi labadaba ka dhisaya caruurta, lagana ilaaliyay waxyaabaha shirkiyaadka, khuraafaadka iyo dhaqan xumada ah ee ku jira manaahijta kala duwan ee ay shisheeyuhu wadanka keeneen, wuxuuna soo bandhigay muhiimadda manhajkan ay soo saareen kana hir galay wilaayaatka islaamiga.
Isagoo bidhaaminaya mid kamid ah maadooyinka gaar ahaan tarbiyada ayaa waxa uu yiri: “Hadhow yey isaga kaa khaldamin muqarar ay soo saartay dowladda ridada iyo muqararka uu islaamku leeyahay, muqararka ay dowladda ridada soo saartay maxaa waaye isagoo khaldaad badan oo aan waqti kale sheegi doonno, tarbiyo islaamiyah bes, annagana, Atafsiir, Atowxiid, Al-xadiith, Al-fiqh, waa meeqo maado? Afar sow ma aha?” ayuu yiri, Wuxuu intaasi ku daray in kiiba boqol lagu saxo, halka maadada tarbiyada ee DF lagu saxo hal boqol oo kaliya. “afar boqol iyo boqol farqiga u dhaxeeya waad garan kartaan sow ma aha?” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cabdiraxiin.
“Manhajkan waxaa loo sameeyay inaan odorosno qarniga horteena ah ama nisfu-qarniga nagu soo aadan ummadda imaan karto inaan suureyno waxa ay tahay, haddii manhajkan uu ummadda wada gaaro, maxaan odroseynaa kontonka sano ee soo socda ummadda imaneysa waxay noqoneysaa ummad manhajkan u eg umma islaamiyah” sidaasi waxaa yiri Sheekh Xassan Yacquub. Sheekhu wuxuu muuqaalka kusoo xeray hadalkan soo socda: “waxaan ku hawllannahay hawlo kaloo mujtamaca muslimka naga rabo xaqna u leeyihiin, annaga maanta walaalihiina mujaahidiinta ah ee meeshaan ku nool ee jooga, dowlad islaami ah oo xoog leh ama khilaafa islaamiyah ayaan xaawileynaa او نموت فنعذر ama waan dhimaneynaa waana naloo cudur daarayaa” waa hadalka lagu soo gunaanaday Video-ga ee uu jeediyay Sheekh Xassan Yacquub Cali.
Wilaayaatka islaamiga ayaa waxaa muddo sannado ah ka shaqeynaya manhajka waxbarashada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waana manhajkii ugu horreeyay oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya tan iyo lixdankii kana madax bannaan dowlado iyo hey’ado shisheeye.
LINKIGA HOOSE KA DAAWO
Maansha allah Ilaahay ha dhawro xarakada ,waxay wadaan inay ummadda muslimka ka badbaadiyaan shirqoolka cadawga.