HomeAll newsSawirro: Al-Shabaab oo 420 Qoys Raashin Iyo Iidaankiisa Ugu Qeybiyay Moqokori.

Sawirro: Al-Shabaab oo 420 Qoys Raashin Iyo Iidaankiisa Ugu Qeybiyay Moqokori.

Xarakada Al-Shabaab ayaa raashin ka qeybisay degaanka Moqokori ee wilaayada Hiiraan arrintan oo ay bulshadu aad usoo dhaweysay. Raashin qeybinta ayaa waxaa ka faa’iideystay 420 qoys oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Moqokori ee bariga Wilaayada Hiiraan kuwaasoo kamid ah bulshada ay abaaruhu saameeyeen.
Masuuliyiin ay kamid yihiin Waaliga Wilaayada Hiiraan Sheekh Guuleed Abu Nabhaan, Nabadoonka Beesha Xawaadle Nabadoon Cabdi Raxmaan Xiirey iyo Nabadoonka Jufada Xassan Muuse, Nabadoon Muumin Maxamed Qooreey ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadii raashinka loogu qaybinayay dadka danyarta ah ee degmada Moqokori.

Hoos ka daawo sawirrada
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular