HomeAll newsKu Dhawaad 30 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka Danab oo Dhimasho Iyo...

Ku Dhawaad 30 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka Danab oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaal Ka Dhacay Hiiraan.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Hiiraan ee dhacay Bartamaha Soomaaliya kaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ugu geysteen in ku dhow 30 askari oo ka tirsan ciidanka Danab la baxay ee uu Mareykanku tababaray.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay dagaal ku ekeeyay askartaas meel u duleedka ka ah magaalada Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Sida aan kasoo xiganay dadka ku dhaqan Buuloburde, dagaalka ayaa ka dhacay meel 20km u jirta magaalada. Ka hor dagaalka waxaa qarax lala eegtay ciidanka DF waxaana lagu gubay gaari noociisu yahay Cabdibile oo uu qori boobe ahi ku rakibnaa.

Dhacdadaasi waxaa xigay kamiin ama dhabba gal isku baday dagaal xooggan oo muddo socday, waxaana natiijada dagaalka iyo qaraxa ay noqotay dhimashada 10 askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanku tababaray iyo dhaawac 15 kale, sida aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay.

Ciidanka Danab ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Buuloburde gaar ahaan xerada Jabuutiyaanka iyagoo wata meydad iyo dhaawacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Buulobarde ayaa waxay sheegayaan in isla saaka ay xerada Jabuutiyaanka kusoo dageen laba diyaaradood oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidanka DF, waxaana ay geeyeen magaalada Muqdishi.

Ciidanka Danab ee khasaaraha ba’an la kulmay ayaa ah kuwii soo maray degaanka Shaw islamarkaana gubay isbitaalkii dadweynaha sidoo kalana burburiyay Ceelbiyoodyada.

Isbitaalada DF waxaa aad u dhoobay ciidamo badan oo looga dhaawacay furimaha dagaalka iyo qaraxyada, waxaana xusid mudan in qaar badan oo dhaawacyada kamid ah ay ku dayacan yihiin xaafadahooda sida ay intooda badan warbaahinada ka sheegaan, dadka qaar ayaana aaminsan in DF ay askarigeeda oo dhaawac ah ka jeceshahay in la dilo.

 

 

 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Insha allah gesi yasha islamka nasriga waa qariib gusha waxa iskale islamka malaha galada iyo dhaba dhilifyada guul xarakat alshabab mujaxiidin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular