Ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab ee Wilaayada Islaamiga ah ee Galguduud ayaa hawgallo ka fuliyay qaybo kamid ah deegaanada hoosyimaada degmada Cadaado.
Degaanadaas oo bilihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen xiisadda colaadeed ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada DF, kuwa maamulka Galmudug iyo maleeshiyo beeleedyo ay iyagu dagaalka soo geliyeen. Sidoo kale waxaa dhanka hawada kala socday diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo taageerayay.
“Hawlgalkii saaka aroortii hore ka dhacay duleedka Cadaado ayay ujeedadiisu ahayd in lagu sugo ammaanka deegaanadaas, halkaas oo ay DF ka samaysay maleeshiyo beeleed indho u ah colaadda ay ka abuurtay deegaannada ayna ugu talagashay in ay ku qalqal gelisyo xaaladda ammaan ee ka jirta deegaannada lagu maamulo shareecada Islaamka ee gacanta ugu jira Xarakada Al-Shabaab” sidaasi waxaa yiri’ sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo warbaahinta la hadlay.
Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalladooda ayaa waxa uu yiri: “Deegaanno kamid ah Wilaayaatka Galguduud iyo Hiiraan waxaa uu cadawgu ka abaabulay maleeshiyo beeleedo mujrimiin ah kuwaas oo maamullada riddada ah iyo saliibiyiinta ku gacan siinaya la dagaalanka Shareecada Islaamka, sidaas daraadeed ayay ciidanka Mujaahidiintu qaadeen hawgallo lagu sifaynayo maleeshiyadaas iyo goobaha ay gabaadka ka dhigtaan”
Malleyshiyaadka ay soo abaabushay DF ayaa la kulmay tallaabooyin adag, dhanka ciidanka Mujaahidiintana lama soo warin wax yeello kasoo gaartay hawlgalka.