Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanata ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidanka dowladda Federalka.
Howlgan oo si gaar ah kaga dhacay Isgooska Banaadir ayaa rag hubeysan waxay ku khaarijiyeen Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Garas) oo ahaa Gaanshaale Sare oo ka tirsanaa ciidanka Sirdoonka DF
Ninkaan ayaa horey waxaa uu magaalada Muqdisho ugu dilay dad Muslimiin ah kuwaasi oo meydadkooda la soo dhigay waddooyinka magaaladas.
Dhanka kale Laba qarax oo culus ayaa waxay maanta ka kala dhaceen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar katirsan DF.
Inta la xaqiijiyay 4 askari ayaa ku dhaawacmay qarax culus oo maanta lala beegsaday gaari Booyad ah oo ay la socdeen ciidanka DF, kaas oo ka dhacay deegaanka Warmaxan gobolka Sh/Hoose.
Sidoo kale 1 askari oo katirsanaa DF ayaa ku dhintay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax labaad oo isla maanta ka dhacay gudaha degmada Janaalle ee gobolka Sh/Hoose.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu beegsaday askarta DF. waxayna ku soo aadayaan xili mallatariga Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarda ka dhanka ah shisheeyaha dalka ku soo duullay iyo Saabixiibadooda Soomaalida ah.
Asc Radio Al Furqaan.
Fadlan haddaad awoodaan saacada dhacdada ay dhacday ku soo xusa