Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saakay howlgallo kala duwan oo isugu jirta khaarijin ,weeraro toos ah, iyo qaraxyo ka fuliyay qeybo kamid ah gobolada Hiiraan, Shabeelooyinka iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaan dhaca duleedka degmada Matabaan uu dhacay dagaal laba mar lagu jebayay ciidamo uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa DF ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Bukure oo ku dhaxeeya magaalooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askarta DF ee dagaalka lagu jebiyay.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidanka DF ayaa lagu dilay dagaalka halka 15Â kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Dhanka kale Howlgal gaar ah oo saaka ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxey ku khaarijiyeen Cali Xuseen Cali (Gureey) oo ahaa askari katirsana DF, iyagoona ka furtay qori iyo boosh uu ku hubeysnaa.
Sidoo kale Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka qarax culus kula beegsatay deeganka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho Kolonyo shisheehaya Afrikaan ah oo kusii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.
Sida la xaqiijiyay qaraxa ayaa haleelay islamarkaana burburiyay gaari nuuca xamuul ah oo Kunteenar xambaarsanaa, Kolanyadan maanta la qarxiyay ayaa sidoo kale shalay labada kamiin lagula eegtay duleedyada deegaanada Ceelwareegow iyo N-60 ee gobolka Shabeelada Hoose.
Iska Saakay mallatariga Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday fariisin ay ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegan ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, waxaana dagaalkaas lagu dilay 1 askari oo katirsanaa ciidanka maamulka Axmed Madoobe.
Howlgaldan lagu naafeeyay DF iyo shisheehaya ayaa imaanaya xili ciidamada Xarakada Al-Shaabab ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Kenya ka sameysteen deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubadda Hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare lagu gaaray askarta Keenyaatiga ah ee ku sugan xerada la weeraray.
Waa idin salamy radio 📻 alfurqan walhi waa idin xisne ruunti guleestq markasta waqti kasta garankina waa allah