Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo-burde ayaa ku waramaya in halkaas uu maanta ka dhacay qarax xooggan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay wararku tilmaamayaan qaraxaan ayaa lala beegsaday bar-kontrol oo ku taalla koonfurta magaalada Buulo-burde, islamarkaana ay kuwada suganyihiin ciidamada Jabuuti iyo kuwa DF.
Qaraxa oo ahaa mid culus oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadda kala duwan ee degmada Buulo-burde ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 7 askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa fariisinka la qarxiyay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku nafwayay 3 askari oo katirsanaa ciidanka DF, halka ay dhaawacyo garaab ah ay ku noqdeen ilaa 4 askari oo kamid ah ciidanka Jabuuti.
Saddexda askari oo katirsanaa ciidanka DF ee ku dhintay qarxaani ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Yuusuf Indhacade, Cabay Xasanow iyo Iidow.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan. Ciidamda Al-Shabaab ayaana marar badan degmada Buulo-burde ka fuliyay howlgallo lagu naafeeyay askarta Jabuuti ee xoogga ku heysta degmadaas iyo kuwa DF ee caro turka u ah.