In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, dagaal beeleedyo todobaad kabadan ka socda gobolka dhaca Koonfur-bari dalka Suudaan ee Niilul Azraq.
Wasiirka Caafimaadka ee gobolka, Jamaal Naasir oo u waramay Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay ay xaqiijiyeen in tirada dadkii ku dhintay dagaaladaas ay gaartay 105 ruux, halka dhaawucuna uu marayo 291 qof.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee dalka Suudaan (OCHA) ayaa shalay sheegay in in ka badan 17,000 oo qof ay ka barakaceen deegaannada lagu dagaalamay kuwaas oo aan heysan wax gargaar ah.
Dalka Suudan waxaa marar badan ka dhacay dagaallo dhiig badan ay ku daateen, todobaad ka horay ayaana Isku dhacyadii ugu dambeeyay uu ka qarxay gobolka Niilul Azraq ee dhaca xuduudka Itoobiya, kaas oo salka ku haya muran dhuleed u dhexeeya qabiilada Alberti iyo qabiilka Hausa, oo ka mid ah qabaa’ilka ugu waaweyn Afrika.