Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay gacan ku heynta laba degaan oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasoo ay heysteen in muddo ah ciidamo daacad ah u ah Xabashida oo la yiraahdo Liyu Boolis.
Wararka naga soo gaaraya Bakool waxay sheegayaan in dagaal aad u culus uu maanta ka dhacay labada degaan, waxaana ay ahaayeen kuwa isku waqti lagu qaaday. Dadka degaanada ayaa sheegay iney maqlayeen hubka culus iyo midka fudud, waxayna ku asteeyeen inuu ahaa dagaal aan waxba la iskula harin.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad u qalabeysan ayaa labada degaan ka taagan calanka ay dhaxda kaga qoran tahay astaanta towxiidka iyagoo meesha ka saaray calankii Itoobiya.
Afhayeenka ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/C/Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay iney la wareegeen labada degaan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo dhaweyn diirran kala kulmay dadka degaanada Yeed iyo Aato, oo muddo sannado ah ku hoos jiray gumeysiga ciidamada Liyu Bolis.
Waa wax lagu farxo in maanta ay ka saran cadowga Liyuu police aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa dagaalkas maanta inkastoo al shababa ay qaldaad badan galaan hadana waxaa jira dagaalo ka farxiya quluubta muslimiinta