HomeAll newsRanil Wickremesinghe Oo Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Sri Lanka.

Ranil Wickremesinghe Oo Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Sri Lanka.

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa ra’iisul wasaare Ranil Wickremesinghe u doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas, kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta baarlamaanka ee magaalada Colombo.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod sidaasna ay guussha ku raacaday asiga.

Ranil Wickremesinghe ayaa waxaa ku hor gudban caqabado xooggan oo ay kamid yihiin dhaqaale xumida ragaadisay dalka Sri Lanka, iyo inuu soo celiyo xasiloonida ka dib bilo ay socdeen dibadbaxyo ballaaran oo saameyn ku yeeshay dalkaasi.

Bishii May ayaa Ranil Wickremesinghe loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Sri Lanka, xili dalkaas ay ka dhaceen dibadbaxyo xooggan oo uu ugu danbeysan keenay in Madaxweynihii hore ee dalkaas uu isaga cararo dalka, kadib markii dad careysan ay ugu galeen hoyga uu ka degaaa madaxtooyada wadankaas.

Sida ay tabisay warbaahinta Sri Lanka waxaa laga cabsi qabaa iney dibadbaxyo hor leh ka qarxaan gudaha dalkaas si gaar ahaaneed magaalada caasimadda ah ee Colombo, kuwaas oo looga soo hojdeedo xilka madaxtinimo ee loo doortay maanta ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular