HomeAll newsDowladaha Carbeed Oo Sii Xoojiyay Beegsiga Ay Ku Hayaan Goobaha Lagu Barto...

Dowladaha Carbeed Oo Sii Xoojiyay Beegsiga Ay Ku Hayaan Goobaha Lagu Barto Diinta Islaamka.(Warbixin)

Warbixin cusub oo la baahiyay ayaa daaha ka rogeysa dhibaatada lagu hayo Madaariista lagu barto Qur’aanka Kariimka ah iyo maraakiizta diiniga ah ee ku yaalla wadamada carabta, taas oo uga imaanaysa xukuumadaha daba dhilifyada ah ee jira dalalkaas, xilli dagaal xagga maskaxda ah uu ku socdo guud ahaan umadda muslimka ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay kacdoonnadii guga Carbeed, waxaa albaabada la isugu dhiftay kumannaan madaariis ah, iyadoona mudooyinkii lasoo dhaafay uu koro ko yimid beegsidga goobaha lagu barto diinta islaamka, iyo jamciyaadka islaamiga ah ee ka howlgalada wadamada carbeed.

Dalka Urdun oo lagu xusay warbixintaan cusub ayaa lasoo sheegayaa inuu kamid yahay, dalalka ugu badan ee ee ay ka taagan tahay dhibaatada ka dhanka ah goobaha lagu barto diinta islaamka, xilli mandiqadda ay kusii xoogeysanayso kirishtaameynta iyo duullaanka xagga maskaxda ah, kaas oo ay juhdi ballaaran ku bixinayaan dowladaha reer galbeedka, had iyo goorna ku dadaala sidii ay umadda muslimka ah kala dagaallami lahaayeen diintooda.

Illaa iyo 5 xarun oo lagu xifdiyo Qur’aanka kariimka oo ku yaalla dalka urdun ayaa albaabada la isugu dhiftay, halka shaqo joojin lagu sameeyay 68 markaz oo iyagana faafiya diinta islaamka, cadaadiska lagu hayo Madaariista taxfiidka iyo macaahidda sharciga ah ee wadamada carabta ayaana noqday mid si cad u soo shaac baxay, iyadoo xittaa ay dhibaatadu gaartay dhulka barakeysan ee Shaam, halkaas oo laga soo sheegayo dhacdooyin lamid ah kuwa hadda ka taagan dalka Urdun.

Maamulka maqaar saarka ee ay Yuhuuddu ka dhisatay dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysigeeda, ayaa tan iyo horraantii sannadkaan xiray maraakiiz lagu xifdiyo qur’aanka kariimka ah, kuwaas oo ku yaalla magaalada Nabulis ee ku hoos jirta gumeysiga Yuhuudda, waxaana uu maamulku mar marsiiyo uga dhigay in markazka uu faafiyay sawirrada ardada dhigata iyo macallimiinta, iyagoo aanan la joogin masuul katirsan waxa loogu yeero wasaaradda Awqaafta ee maamulkaas.

Dalka Tuunis oo kale waxaa sannadkii 2014-ka shaqo joojin  lagu sameeyay in ka badan 150 jamciyaad islaamiga ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay faafinayeen waxa loogu yeero fikradaha Argagaxisada, iyadoona baarlamaanka Masar uu sannadkii 2017-ka meel mariyay qaanuun cadaadis lagu saarayo ku dhawaad 47-kun oo Jamciyaad maxalli ah, kuwaas oo intooda badan ka shaqeeya arrimaha diinta islaamka.

Inkastoo ay dhibaatooyinkaan ay yihiin kuwa soo jiray sanado badan, haddana mudooyinkii lasoo dhaafat ayay kusii xoogeysanayeen wadamada carbeed, waxaana sida ku xusan warbixintaan cusub sannadkii 2019-ka dalka Murutaaniya albaabada la isugu dhigtay 6 jamciyaad islaami ah, kuwaas oo lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin jamaacaad jihaadi ah, inkastoo ay iska foogeeyeen eedeymahaas loo soo jeediyay, iyagoona cadeeyay ineysan wax ciaaqaad ah la leheen Mujaahidiinta, sababta kaliya ee loo beegsanayana ay tahay iney faafinayaan diinta islaamka.

Dhacdooyinkan iyo kuwa kale waxa ay dhalinayaan is weydiino dhowr ah, taas oo ah sababta ay maamullada u beegsanayaan xarumaha lagu barto Qur’aanka iyo duruusta kale ee diiniga ah ee ku yaala wadamada carabta, mise waxaa jirto rabitanka kale oo nafsi ah, kaas oo ka duulaya aragtida maamulladaas oo ah, in islaamka siyaasiga ah uu hanjabaad ku yahay sii jiritanka nidaamkooda, mise waxa ay arintu ka dhigan tahay fulinta ajandayaasha reer galbeedka iyo rabitankooda ka baqaya faafida islaamka.

Qoraaga lagu magacabo Hishaam Al Bustaani waxa uu arkaa, in beegsiga ka dhanka ah Marakizta lagu barto sharecada ay la xiriirito asal ahaan, kala furfurka Nidaamka xaqiiqiga ah ee ka jiro mandiqada, kaas oo ah Xarakada Ikhwaanul Muslimin, ama garabyada kale ee ka farcamay, ee uu xiriirka dhawi kala dhexeeyo.

Mar uu la hadlayey mid kamid ah warbaahinta carbeed ayuu yiri, Wixii ka danbeeyey kacdonadi guga carabta ee sanadki 2011ka, Xukaamta carbeed waxa ay dareemeen loolan adag oo ay kala kulmayaan Tayaarka Islaamiga ah, maadaama uu taarikh ahaan yahay mid xeel dher oo ku xiran bulshada, si ka duwan maamulada hada ka jiro mandiqada, sidaas darted waxa ay dadaal ku bixiyen madaxdaan sidii loo kala furfuri lahaa dhaqdhaqaqa islaamiga ah, loogana dhigi lahaa faracyo is barbar socda oo aan kala amar qaadan, halka sidoo kalena ay dadal ku bixiyen sidii ay ula waregi lahayen garabyadooda dhaqaalaha iyo bulshada, haba ugu horeyane Jamciyadka Kheyriga ah iyo Marakizta lagu barto sharecada Islamka.

Waxa uu sheegaya in tareenka caadiyeynta xiriirka Yuhuudda ee hadda ka soconaya Mandiqadda islamarkaana ay hogaamineyso dowladda Mareykanka, uu ku dadaalayo sidii loo daciifin lahaa loogana hortagi lahaa cid waliba oo isku dayda, in diinta islaamka ay ufirsato si ka hor imaaneysa xiriirka caadiyeynta, isagoo tusaale usoo qaatay qadiyadda Filastiin oo kamid ah qadaayaadka ugu waaweyn ee ay xoogga saaraan xarakaadka islaamiga ah, taas oo keentay in la beegsado lana xiro ciddii ka hadashada arrintaas.

Dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan, in Sucuudiga iyo Imaaraadkuba ay door muhiim ah ku leeyihiin xiritaanka hay’adaha islaamiga ah iyo marakiizta lagu barto Qur’aanka kariimka, sababtoo ah waxa ay leeyihiin saameyn hal dhinac ah, iyagoona bulshada ku soo roga aragtida reer galbeedka ee Mandiqadda, waxayna ka hortagaan dhaqdhaqaaq kasta oo ka soo horjeeda maamullada Carbeed.

Al-Bustani waxa uu tilmaamay in cadaawadda loo qabo dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah ee siyaasadeed iyo hay’adahooda ay kusii xoogaysanayso Imaaraatka Carabta, Sucuudiga, Masar iyo Tuunis, isaga oo carabka ku adkeeyay in wadamadani ay khalad weyn ku galayaan naceybka ay u qabaan Islaamiyiinta, maadaama ay yihiin qayb lama huraan ah oo ka mid ah bulshooyinka Carabta.

Khabiir xagga arrimaha jamaacaadka islaamiga ah ayaa sheegaya, in Maamullada Imaaraatka iyo Sucuudiga ay door muuqda oo wax ku ool ah ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah mashaariicda islaamiga ah ee ka madax bannaan siyaasadda, xittaa kuwa siyaasiga ah.

Si lamid ah qoraagii isaga ka horreeyay wuxuu khabiirkaan tilmaamayaa, in Sucuudiga iyo Imaaraatka ay yihiin aaladda ugu horreysa ee ay reer galbeedku kula dagaallamaan xarakaatka islaamiga ah, isagoona labadaan maamul ku eedeeyay iney dhulka la galeen xurriyaddii iyo karaamadii ay lahaayeen shucuubta Carbeed.

Marka laga hadlayo doorka islaam la dirirka ah ee Sucuudiga iyo Imraatka, ma ahan mid ka daahsoon umadda muslimka ah, Maxaa yeelahay maamulladaan ayaa ah kuwii dhulka Jaziiratul Carab kusoo dhaweeyay Mushrikiinta, oo uu Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallam amray in laga saaro Jiizradda Carabta, waxaana wax laga xumaado ah in gaaladii uu nabiga SCW faray in laga saaro dhulkaas barakeysan ay maanta si xurriyad ah ku joogaa Xarameynka oo kamid ah goobaha ugu fadlliga badan dhulalka Muslimiinta.

Dad badan oo ku dhaqan wadamadaan ayaa sheegaya in Maamullada Carbeed aysan dooneyn cid Qur’aanka Kariimka u fisirta sida uu yahay, sidaa awgeedna ay la wareegeen Masaajidda, iyagoo kusoo rogay shuruuc iyo awaamiir lagu jaan goynayo khudbadaha iyo duruusta la rabo iney ka baxaan, si loo soo gudbiyo hal aragti oo mideysan, taas oo ay raali ka yihiin maamullada dhalifyada ah ee madaxa kaga taagan umadda islaamka, kana hortagaya wax waliba oo caqabad ku ah nidaamkooda.

Horraan waxaa is badel lagu sameeyay Manaahiijta waxbarashada ee iskuullada wadamada carbeed, lagasoo bilaabo Rowdada caruurta ilaa Jaamacadaha, waxaana dhammaanba Manahijta waxbarashada laga saaray wax kasta oo duraya dadka Yuhuuda ah iyo Maamulkoodaba, waxeynta tani muujineysaa xajmiga uu la egyahay dagaalka xagga maskaxda ah ee ay Yuhuudda iyo reer Galbeedka ku hayaan umadda Muslimka ah.

Warbixin Beegsiga ay dowladaha Carbeed ku hayaan dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah iyo Madariista lagu barto diinta Islaamka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular