Wadamo badan oo dhaca qaaradda Yurub waxaa laga soo sheegaya mowjadu kuleylo ah, kuwaas oo saameyn adag ku yeeshay dadka ku nool dalalkaas, waxaana lagu soo waramayaa in dab xooggan uu qabsaday keymo dhor ah oo ku yaalla qaar kamid ah wadamada reer galbeedka.
Boqallaal ruux ayaa ku dhimatay mowjadahaan kuleylka ah ee ku dhiftay Spain iyo Burtaqiiska, waxaana sidoo kale la daad gurynayaa kumannaan dad ah oo ku nool dalalkaas iyo Faransiiska, kuwaas oo uu saameyn ku yeeshay kulleylka ka jira, iyadoona uu meelaha qaar dab ka kacay kaas oo sii murjiyay xaaladda ka taagan dalalkaas.
Marka laga soo soo tago dhimashada iyo bara kaca uu sababay dabka, waxa uu soo kale baa bi’iyay oo uu dhulka la simay masaaxo ballaaran oo dhulka keymaha ah ee ku yaalla dowlado dhaca Koonfurta qaaradda Yurub, xilli madaxda Ingariiska ay markii ugu horreysay xaalad deg deg ah kusoo rogeen guud ahaanba dalka, sababo la xiriira kuleylka daran ee ka jira halkaas.
Waddanka Spain oo kale, Machadka Karloss ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in mowjadaha kuleylaha ah ay gallaafteen nolosha 360 ruux, halka wasaaradda caafimaadka ee Boortaqiisku ay sheegtay in 238 qof ay u dhinteen kulaylka intii u dhaxaysay 7-dii July illaa 13-keeda, inta badan dadka dhintay ayaana ah kuwa da’ah.
Dalka Faransiiska ayaa kamid ah goobaha laga dareemayo kuleylka xad dhaafka ah ee lasoo dersay qaar kamid ah duwalka reer galbeedka, laba gobal oo dhaca koonfur galbeed ee dalaas ayaana lasoo warinayaa in laga daad gureeyay in ka badan 12-kun oo ruux, halka 200 oo kalena ay ku wax yeelloobeen dab xooggan oo horraantii isbuucaan ka kacay keymaha ku yaalla dalkaas.
Dadaallo xooggan ayay bixinayaan dowladaha la dhibaateysan arrintaan, sodaas oo ay tahayna haddana ma jirto wax natiijo ah oo ay ka soo hooyeen xaaladaha cakiran ee ka jira dalalkooda, maadaama ay jiraan dabeylo xooggan oo si weyn kaga qeyb qaadanaya inuu dabku ku fido goobo hor leh.
In ka badan kun-ruux oo kamid ah ragga dab damiska ayaa isku dayay inay damiyaan dabka xooggan ee horraantii isbuucaan ka kacay keymaha dalka Faransiiska, waxaana la xiiqijiyay inuu baa bi’iyay dhul dhan 100-KM, isagoona wali kusii fidiya goobo hor leh.
Haddaan kusoo labano dalka Spain, qolyaha dab damiska ayaa dhankoda la tacaalaya sidii ay udamin lahaayeen 17 gobal oo ay keymooda dab ka kacay, kadib markii uu sara ukacay heer kulka ka jira dalkaas, isagoona gaaray 45.7%.
Waaxda arrimaha deg degga ah ee gobalka Miikhaas oo dhaca koonfur bari ee dalka Spain ayaa sheegeysa, in dad ka badan 3-kun oo ruux ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii dab xooggan uu ka kacay dhulka keymaha ee ku yaalla gobalkaas, waxaana goobaha uu dabku baabi’iyay kamid ah meelo loo dalxiis tago oo ku yaalla dalka Spain.
Arrinta ugu weyn ee sababtay inuu dabku saameeyo dalal badan ayaa ah, isagoo ka kacay xuduudaha ay wadaagaan wadamadaas, sida Burtaqiiska iyo Spain oo kale, waxaana dadaal adag loogu jira sidii looga guuleysan lahaa dabka, walow aysan muuqan wax natiijo ah oo ku aaddan arrinkaas.
Maalintii shalay oo kaliya dalka Burtaqiiska waxaa uu dab ka kacay ugu yaraan 5 gobal oo ku yaalla dalkaas, taas oo keentay in dowladdu ay soo saarto digniino is daba joog ah, waxayna madaxda dalkaas sheegeen in dabkii shalay oo kaliya ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 60 ruux, halka ay guryadooda ka barakaceen 900 oo kale. heer kulka dalkaan ayaana la sheegayaa inuu gaaray 47%,
Ingariiska oo marka si loo fiiriyo ka dhib yar dalalkaan kale, maadaama uu heer kulkiisu yahay 40% ayaa waxaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay dhammaanba goballada dalka, cabsi ku aaddan in dadku ay waxyeello soo gaarto, wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaana ka digtay saameynta ka dhalan karta xaaladdan.
Waxaa gabi ahaanba albaabada la isugu dhiftay qaar kamid ah iskuulladii ku yiillay dalka Ingariiska, iyadoo loo baqayo bad qabka iyo caafimaadka ardadyda wax ka barata iskuulladaas, waxayna tallaabadaan kusoo hagaageysaa, kadib markii madaxda dalka ay soo saareen digniino la xiira sare ukaca heer kulka ee dalka UK.
Goobaha caafimaadka ayaa waxaa lasoo gaarsiinayaa dad uu saameyn ku yeeshay heer kulka ka jira dalka Ingariiska, waxaa is taagay isu socodkee tareennada ee dalka UK, waaxda saadaasha hawada ee dalkaas ayaana sheegaysa inay jirto cabsi ku aaddan,sara ukac ku yimaada heer kulka dalka.
Dalalka Ireland iyo Belgium-ka ayaa kamid ah kuwa laga cabsi qabo inay marti galiyaan xaaladaha ka jira duwalka ay dariska yihiin, waxaana dalka Ireland ay madaxdiisu soo saareen digniinno la xiriira heer kulka dalkaas oo u dhexeeya 25 illaa 30 Digree.
Dalka Belgium-ka waxaa isana suuragal ah in isbuuca soo socda uu heerkulku noqdo mid sara ukaca, sida ay sheegeyso waaxda saadaasha hawada ee dalkaas, wuxuuna hadda marayaa 38 Digree.
Musiibooyinka Rabaaniga ayaa ku badan wadamada reer galbeedka, waxaana ugu wacan dulmiga iyo xadgudubka ay dowladahaan ka wadaan caalamka, kaas oo saameeyay gaal iyo muslimba, walow ay dhibaatadu ku badantahay Muslimiinta.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Wadamada Reer galbeedka oo holcaya.
(Valium)