HomeAll newsDhageyso: Keydka Hubka Ee Reer Galbeedka Oo Nuqsaamaya.(+Sababta)

Dhageyso: Keydka Hubka Ee Reer Galbeedka Oo Nuqsaamaya.(+Sababta)

Wargeyska The Financial Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo dhamaadka keydka hubka ee reer galbeedka, sababo ku aadan iyagoo bilihii lasoo dhaafay gurmad xad dhaaf ah oo xaga hubka ah gaarsiinayay dalka Ukraine.

Wargeyska ayaa tilmaamay in nuqsaanta xaga keydka hubka ee laga dareemayo reer galbeedka uu mustaqbalka yareyn karo gurmadka la siinayo Ukraine, taasoo saameyn ku yeelan karta dagaalka ay Ukraine kula joogto ciidamada Ruushka ee dalkaas kusoo duuley.

Bishii May ee lasoo dhaafay, dowladda Maraykanka waxay amar ku bixisay in la farsameeyo 1300 saaruukh oo nooca Stingerka ah, kuwaasoo lagu bedelayo shixnadihii hubka ahaa ee la gaarsiiyay Ukraine, balse maamulaha shirkadda sameysa saaruukhaas ayaa tilmaamay in sameynta sawaariikhdaas ay waqti ku qaadan doonto.

Dalka Faransiiska ayaa isagana wuxuu Ukraine u direy madaafiic culus oo lagu magacaabo Hawtazir Qeysar, kuwaasoo gaaraya 18 madfac, taasina waxay ka dhigantahay afar meelood hal meel guud ahaan madaafiicda u keydsan dowladda Faransiiska ee noocaas ah.

Shirkadda farsameysa madaafiicdan oo lagu magacaabo Nexter, waxay tilmaamtay iney  u baahantahay 18 bilood oo kaamil ah, si ay u sameyso madaafiicda noocaas ah, si loogu bedelo qeybta loo direy dalka Ukraine.

Marka loo eego culeesyada ay la kulmayaan shirkadaha farsameeya hubka ee wadamada reer galbeedka, iyo sicir bararka guud ahaan ka jira dunida, waxaa la hubaa in buuxinta nuqsaanta xaga keydka hubka ee reer galbeedka uu waqti qaadan doono, sida uu tilmaamayo wargeyska Finanacial Times.

Masuuliyiin iyo muxalliliin xaga milliteriga ah waxay tilmaameen in nuqsaanta hadda la dareemayo ay muujineyso sida uu reer galbeedku uga gaabiyay inuu u diyaar garoobo halisyada milliteri ee soo wajihi kara mustaqbalka, sidaba hadda heysta oo kale, taasoo uga imaaneysa dhanka Ruushka oo la aaminsanyahay in haddii uu kusoo guuleysto dagaalka Ukraine uu uga sii gudbi karo wadamo kale oo Yurub katirsan.

Madixii hore ee qorsheynta ururka Nato oo uu soo xiganayo wargeyska ayaa tilmaamaya in dagaalka Ukraine uu dersi u yahay reer galbeedka, kaasoo muujinaya ahmiyadda ay leedahay in xooga la saaro hubka fudud iyo ciidamada lugta ah, kuwaasoo haddii loo baahdo faragelin sameyn kara, si ka duwan sida uu reer galbeedku xooga u saaray hubka culus ee muwaasafaatka muhiimka ah leh.

Financial times waxay sheegeysaa in hub yaraanta hadda soo wajahday keydka reer galbeedka uu saameyn ku yeelan doono in reer galbeedku gurmad la gaaraan dalka Ukraine oo wajahaya dagaal culus oo uga imaanyaa dhanka Ruushka.

Celcelis ahaan sanadkiiba gantaallada ciyaarkoodu yahay 155 Mm, ee  ay sameyso dowladda Maraykanka, wuxuu todobaad illaa labo todobaad kaafin karaa ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, taasoo muujineysa xadiga uu leeyahay dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, iyo sida reer galbeedku xaaladdu meel adag uga mareyso.

Khabiir ameerikaan ah ayaa tilmaamaya in dib loogu noqon doono loolankii xaga warshadaha ee farsameynta hubka, haddii ay sii socdaan dagaalladan.

Masuul hore oo katirsan NATO, wuxuu sheegayaa in xaaladda hadda taagan ay dib dadka u xusuusineyso wixii ku dhacay dowladda Ingiriiska dagaalkii labaad adduunka, xilligaas oo Britin ay aad u isticmaasheyo madaafiicda, taasoo keentay in durba uu keydkii ka dhamaado, ciidamo badanna sidaas looga dilo, arinkaas oo markii dambe keeney inuu xilka iska caislo ra’iisul wasaarihii dalkaas.

Wasiirka dagaalka ee dowladda Ingiriiska oo la hadlay wargeyska Financial Times, wuxuu tilmaamayaa in haddii uu sii socdo dagaalka Ruushka ee Ukraine uu dhamaan doono keydka hubka ee dowladaha reer galbeedka, isagoona sheegay iney wajahayaan halisyo ka weyn hubka ay iyagu heystaan.

Miizaaniyadda difaaca ee Ruushka waxaa sanadkii hore ay ku kacday lacag dhan 66 bilayn oo dollar, Shiinahana wuxuu ku bixiyay adduun dhan 293 bilyan oo dollar, marka loo fiiriyo dowladaha reer galbeedka gaar ahaan kuwa xubnaha ka ah Nato ayaana tiradaasi waxay noqoneysaa lacag aad u yar, waxaana iyaga ku baxda lacag dhan 1 trillion oo dollar.

Saasoo ay tahayna, inbadan oo kamid ah lacagaha uu reer galbeedku ku bixiyo arimaha difaaca waxay ku baxaan farsameynta diyaaradaha Dronesta, kuwaasoo dowladaha reer galbeedku ugu talagaleen iney ku gumaadaan muslimiinta caalamka.

Warbixinta cusub ayaa tilmaameysa in 20kii sano ee lasoo dhaafay uu reer galbeedku xooga saaray farsameynta diyaaradaha caskariga ah, iyagoo ka gaabiyay farsameynta madaafiicda goobta iyo Taangiyada, taasoo hadda culeeskeedu ay dareemayaan.

Dowladda Ingiriiska oo nuqsaanta keydka hubka uu aad u saameeyay ayaa ku qasbanaaday in ganacsade Biljimka u dhashey ay ka iibsato madaafiicda Hawtarz, si ay ugu dirto dalka Ukraine, taasoo muujineysa culeeska ay la noolyihiin reer galbeedka inuu marayo halkii ugu sarreysay.

Khubarada reer galbeedka iyo saraakiish arimaha difaaca waxay dagaalka Ukraine ee weli socda, xilliga uu dhamaanayana aan la qiyaasi Karin ay ka barteen hal cashar oo ah ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo keydka hubka, aadna loogu dadaalo farsameyntiisa, ayaa lagu soo khatimay warbixinta uu daabacay wargeyska The Financial Times.

Halkaan Ka Dhageyso Wrbixin Keydka hubka ee Reer galbeedka oo Nuqsaamaya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular