Naxariistii janno Alle ha ku arsaaqo’e, Sheekh Nuur Macallim Cabdiraxmaan oo shalayto geeriyooday ayaa maanta lagu aasay magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka.
Aaska iyo janaasadaba waxaa ka qeyb galay dad aad u badan oo ka kooban qeybaha bulshada, kana dhex muuqdaan culimada, macallimiinta iyo ardayda.
Goobta aaska waxaa joogay mas’uuliyiin uu kamid yahay waaliga Jubbooyinka Sh/Maxamad Abuu Cabdalla, ehelka iyo qaraabada Sheekha iyo dad ay saaxiibo dhow ahaayeen.
Dhanka kale hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si qoraal iyo cod ahba uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Sheekh Nuur Mucallim Cabdiraxmaan.
Hoos kala deg kalimadda uu jeediyay Sh/Cali Dheere