HomeAll newsDEDEG: Sh/Nuur Macallin C/raxmaan oo Ku Geeriyooday Geeriyooday.

DEDEG: Sh/Nuur Macallin C/raxmaan oo Ku Geeriyooday Geeriyooday.

” إنا لله وإنا إليه راجعون “

Alle ha u naxariisto’e, waxaa galabta magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka ku geeriyooday Sh/Nuur Macallin Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

Sheekha ayaa wuuu xanuunsanaa, sidaas oo ay tahay kitaab ayuu akhrin jiray. Muddo bil ku dhawaad laga joogo ayuu kitaabka joojiyay xanuun dartiis. Galabta ayuu Ilaahay oofsaday.

Sheekha wuxuu waqtigiisa ugu badan ku qaatay faafinta dacwada, wuxuu sii galayay da’da 70-ka sano, waxaa jiray darsi uu habeen walba ku lahaa barnaamijka Dhuuxa wareysiyada ee ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan oo la yiraahdo (Dhuux Qur’aanka oo Ku dhaqan.

Alle ha u naxariisto Sheekha, taariikhdiisa iyo macluumaadyo kale oo ku saabsan mawaaqiftiisii ugu waaweynaa, dib ayaan idiinkaga soo gudbineynaa insha’allah.

 

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular