Wararka ka imaanaya dalka Japan ayaa ku waramaya in weerar toogasho ah lagu dilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaas ninka lagu magacaabo Shinzo Abe,.
Shinzo oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara dalka Japan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nara, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caadimaad, kadib dhaawac daran oo kasoo gaaray toogashada.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa la toogtay xilli uu u ol’oleynayay doorashada baarlamaanka ee dalka Japan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Abe ayaa ku geeriyooday da’da 67 sano, waxayna bolisku sheegeen inay xireen nin 41 sano jir ah oo looga shakisan yahay inuu ka dambeeyo weerarka toogashada ah, dowladaha caalamka qaarkood ayaana aad u cambeereeyay dilka Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Japan..