Dabley hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday kolonyo uu la socday madaxweynaha dalka Nigeria ninka lagu magacaabo Muhammadu Buhari, kaas oo marayay gobolka uu kasoo jeedo oo dhaca waqooyiga dalkaas.
Warbaahinta ayaa tilmaameysa in weerarka lagu qaaday kolonyada uu la socday madaxweynaha Nageria uu sababay dhaawaca laba askari oo katirsan ilaalada madaxtooyada dalka Nigeria
Afhayeenka madaxweynaha Nageria Garba Shehu ayaa saxaafadda u sheegay in kolonyada Madaxweynaha ee la wareeray ay horudhac u ahaayeen safarka madaxweynaha.
Gobalka Katsina ee dhaca waqooyiga dalkaas ayaa waxaa uu kamid yahay goballada ugu badan ee ay ka dhacayaan weerarada ay geystaan kooxaha hubeysan.
Tan iyo sannadkii 2015-ka ayaa dad badan lagu dilay gobolkaas halka kumanaan kalena lagu afduubay.