HomeAll newsQarax Ka Dhacay Degmada Afgooye Oo Lagu Dilay Sarkaal Katirsan Ciidanka DF.

Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye Oo Lagu Dilay Sarkaal Katirsan Ciidanka DF.

Guutada qaraxyada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta qarax xooggan oo khasaare dhaliyay la beegsatay sarkaal katirsan ciidanka Military-ga DF, kaas oo ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax culus oo maanta ka dhacay halkaasi lagu khaarijiyay Taliyihii ciidanka Military-ga DF kugu magacaawnaa degmada Afgooye, kaas oo oran jiray Maxamed Ahmed Cali loona yaqaanay “Tuug-Madow”

Sida ay tilmaamayaan wararka halkaasi laga helayo qaraxa ayaa haleelay islamarkaana burburiyay gaari uu watay Taliyaha la dilay, waxaana Muuqaallo goobta laga soo qaaday lagu arkayay gaariga Taliyaha oo si xun uu qaraxu u burburiyay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday qaraxa oo lagu khaarijiyay Taliyihii Military-ga DF ee degmada Afgooye.

(Diazepam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular