HomeAll newsC/wali Gaas: "Al-Shabaab Wey Sii Xoogeysteen Waxayna Isku Diyaarinayaan Iney Dalka La...

C/wali Gaas: “Al-Shabaab Wey Sii Xoogeysteen Waxayna Isku Diyaarinayaan Iney Dalka La Wareegaan”.

Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladdii KMG, iyo hogaamiyihii Puntland, Cabdiwali Maxamad Cali (Gaas) ayaa wareysi uu siiyay Horcable kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo madaxda cusub ee la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

Gaas ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan siyaasadda oo ay kamid tahay wax yaabaha mar walba sababa iney isku dhacaan madaxweynaha DF iyo Ra’iisulwasaarihiisa, wuxuuna u aaneeyay in khaladku ka yimaado madaxweynaha xaggiisa, oo uu ku sheegay inuu u dhaqmo sidii nin ay shacab soo doorteen oo kale.

Mar wax laga weydiiyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxa uu sheegay in ay lama huraan tahay in laga dalbado wada hadal maadaama buu yiri, ay gacabta ku hayaan inta badan gobolada Soomaaliya siiba koofurta iyo bartamaha.

Gaas wuxuu sheegay in Agganistaanba uu isbadal ka dhacay, wuxuu muujiyay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aan la dhayalsan karin, wuxuu si cad u sheegay in ay leeyihiin awood dhaqaale iyo mid maamul, dadkuna ay iyaga usoo aadaan garsoorka.

Wuxuu intaa ku daray in ay sidii hore ka awood badan yihiin xilligan, ayna isku diyaarinayaan in ay gabi ahaanba dalka la wareegaan, waxa kaliya ee ay sugayaanna ay tahay bixitaanka ciidamada shisheeye.

Dad badan oo ka tirsan mas’uuliyiinta DF iyo xataa dowladaha shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday wadanka ayaa aaminsan in ay soo dhawaatay waqtigii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dalka oo dhan ka taagi lahayd calanka uu towxiidku dhaxda kaga qoran yahay.

Hey’adaha wax diraaseeya waxay sheegayaan in guusha soo aadan ee Al-Shabaab ay sabab weyn ku leeyihiin dadka Soomaalida oo ku qanacsan mabda’a ay wadaan oo ah ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in talada wadanku ka madax-bannaanaato gacmo shisheeye.

 

(cozumelparks.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular