Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah waxay maanta u dhigeen kolonyo ciidamo Maraykan iyo Soomaali ah oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duleedka degmada Mahaddaay ee Shabeellaha Dhexe ayay ciidamada Mujaahidiinta waxay kamiin ugu dhigeen askar Soomaali ah oo ay wehlinayaan ciidamo Ameerikaan ah.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada uu Maraykanku ku adeegto ee Soomaalida ah ayaa lagu dilay weerarka, halka sidoo kale lagu dhaawacay 5 kale.
Ciidamadan ayaa ka yimid deegaanka Ceel Baraf, halkaas oo ay ka baadi goobayeen meydadka ciidamada Burundi ee lagu xasuuqey duulaankii halkaas ka dhacay.