Dowladda Hinidiya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa lasoo baxaysa wajogeeda dhabta ah ee ku aaddan neceybka ay uqabto islaamka iyo ehelkiisa.
Mid kamida saraakiisha sarsare ee xisbiga haya talada dalka Hindiya ayaa ku dhiiraday in uu si bareer ah u aflagaadeeyo Nabig Muxamed “Salallaahu Calayhi Wasalam”.
Ninkaan gaalka hinduuska ah oo ah afhayeenka xibsiga bahartiya si aadana ugu dhaw ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa qoraal uu ku faafiyay bartiisa Twitterka si aan gambasha laheyn ugu xadgudbay Nabiga SCW, arrintaas oo ay si adag uga caroodeen dadka Muslimiinta ah
Malaayiin qof muslimiin ah oo ka jawaabay warka kasoo yeeray mas’uulka katirsan dowladda Hindiya ayaa ku baaqay in nafta ladhaafiyo gaalkan islamarkaana la qaadaco dhammaan badeecadaha ay dawladaasi udhoofiso caalamka islaamka.
Dowladda Hindiya ayaa waxay siyaasadeeda ku dhisan tahay neceybka gaamuray ee ay u qabto islaamka iyo muslimiinta, masuulkaana yaana ehyn kii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aflagaadeynta nabiga SCW, balse xunno katirsan xukuumadda hinduuska ah ayaa horay meel kaga dhacay sharafka rasuulka “Salallaahu Calayhi Wasalam”.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Masuul Katirsan Hindiya Oo Aflagaadeeyay Nabiga SCW