HomeAll newsMeydadka 59 Ruux Oo Muslimiinta Rohongiya Ah Oo Laga Helay Xeebaha Thailand.(Warbixin)

Meydadka 59 Ruux Oo Muslimiinta Rohongiya Ah Oo Laga Helay Xeebaha Thailand.(Warbixin)

Waxaa xeebaha dalka Thailand laga helay meydadka ku dhawaad 60 ruux oo Muslimiinta Rohongiya ah, kuwaas oo kasoo cararay dhibaatada ay kala kulmayaan Buudiyiinta.

Meydadka 59 ruux oo muslimiinta Rohongiya ah ayaa laga helay jasiirad ku taal Thailand, waxaana lagu soo waramayaa in halkaas ay uga tageen dad wax tahriiniya xilli dadkaan ay kusii jeedeen dalka Maleesiya, sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan Booliska.

Meydadkaan la helay ayaa waxaa ku jiray 5 caruur ah, waxaana laga helay jasiiradda lagu magacaabo Koh Dong ee gobolka Satun maalintii sabtida aheyd.

Sannad waliba kumannaan Muslimiinta Rohongiya ee aqalliyadda ku ah dalka Myanmar halkaasna ay ku dhibaateeyaan Buudiyiinta xagjirka ah ayaa naftooda halis kusoo galiya safarro qaata bilooyin si ay u gaaraan Malaysia, iyaga oo sii maraya badda Thailand.

Booliska Maleesiya ayaa dadka dhibaatadaan soo maray ku celiya halkii ay ka yimaadeen, waxaana Muslimiinta Rohongiya ay dhibaatooyin adag ku heystaan gudaha dalka iyo goobaha ay u qaxeen, iyadoona lasoo warinayo qisas xanuun badan oo ku aaddan nolosha adag ay ku noolyihiin Muslimiinta.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa kadib markii 14 ruux oo kamid ah Muslimiinta Rohongiya islamarkaana ay caruur ku jiraan meydadkooda laga helay xeebaha Thailand, ka gadaal markii ay isaga soo carareen dalka Myanmar oo ay kula kulmayeen dhibaatooyin adag.

Buudiyiinta xagjirka ah ee ay ku fogaatay Islaam neceybka ayaa sii kordhiyay dhibaatada ay ku hayaan Muslimiinta aqalliyadda ku ah dalka Myanmar ee Rohongiya, waxaana dekomintiyo horay loo baahiyay ay muujinayaan xad gudubyo xanuun badan oo ay gaaladu kula kaceen Muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular