HomeAll news17 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Dalka...

17 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Dalka Mareykanka.

Tiro dad Ameerikaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar toogasho ah oo marka kale ka dhacay mid kamid ah gobollada dalka Mareykanka sida ay shaaciyeen masuuliyiinta dowladda dalkaas.

War ka soo baxay booliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in toogashadaan ay ka dhacday magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee ee dhaca koonfur bari dalkaas, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 17 ruux.

Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Chattanooga oo la hadlay warfidiyeennada ayaa sheegay in ugu yaraan 3 ruux ay dhinteen 14 kalena ay dhaawacmeen kadib markii koox hubeysan ay raasas la dhaceen dad ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Sarkaalkaan Ameerikaanka ah ayaa intaas ku daray in dableyda hubeysan ee weerarka geysaday ay halkaas isaga baxsadeen ka hor inta ciidanka amaanka aysan goobta soo gaarin, isigoona sidoo kale sheegay in ilaa iyo iminka aysan jirin cid loo soo qabtay dhacdadaan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ugu yaraan hal ruux lagu dilay 8 kalena lagu dhaawacay weerar kan lamid ah oo ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dhaca galbeedka dalka Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular