HomeAll news30 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Dalka...

30 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Dalka Hindiya.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay gaari bas ah oo siday dad gaaray 30 ruux uu ku dhacay waadi weyn oo ku yaalla dhul buuralay ah oo dhaca waqooyiga dalka Hindiya, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhamaan dadkii saarnaa gaarigaasi.

Inta xaqiijiyay waxaa shilkaan ku dhintay 22 ruux waxaana ku dhaawacmay 7 kale, halka mid kalena nalol iyo geeri toona aan lagu heyn.

Sida la sheegay dadkaan ayaa u socday goob sanad waliba dad Hunduuska ah ay ku dhigtaan xus diimeed, iyagoona isaga kala yimaada dhamaan daafaha dalka.

Shilkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaabo Uttarkashi oo qiyaastii 160-km u jira magaalada Dehradun ee xarunta gobolka Uttarakhand.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular