
Qaraxii ka dhacay Aargada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa ku dhintay illaa 2 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil, DF-ka ayaa xaqiijisay in uu dhaawac soo gaaray udhintay gaashaanlle Salaad Isxaaq Yuusuf oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada.
Taliska ciidamada dowladda ayaa baraha bulshada ugu tacziyeeyay sarkaalka dhintay oo uu ku sheegay nin howlkar ah, tirada guud ee dhimashada ka dhalatay qaraxii Dayniile waa 2 halka ay dhaawacyadu ay gaarayaan 5 askari.
Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay sida ay baahisay Idaacadda Andalus.